Time in Somalia -
Abwaan Barre Maxamed Fiidow - Ababa Adig. ( GABAY with lyrics)
facebook  digg  delicious  newsvine  reddit  simpy  spurl  yahoo
Favorite  Add to Favorites     Feature  Feature This!     Inappropriate  Inappropriate     Share  Share     playlist  Add to Playlist

Rating: 0.0/5 (0 vote cast)

Type of abuse
Comments
Ababa Adig. Qaalin ugub ah curudkeed haduu midig ahaan waayo Waxa ununka loo goynayoo loo afqabateeyey Oo asagoo xaq uleh hooyadii looga egereeyey Guumis eed ma galin oo hadhow owr ma noqon weyne Aqoon geel jiruu inuu sharyahay ula ekoonaatay In latolo hashii godol hadey hadey ku ogolaan weyday Ashtakada qarinlii hadey cabasha uugowday Olokow dacwaa ee maxaa loo afgaran waayay Ababa adig eexoy jahlaad aabigii noqotay Abris micida kula helay hadii aad xamili weydo Mid ka arami kulul kana abda xun kana awood buuran Oo shan iyo toban meel af kuleh uu wax ku asiibo Alalaxada kii hore haduu weerar ku ataago Waa inshaarar fudud inaad durbaba kheyr u aragtaaye Ilweyn jebiso good iyo abeys uur ku socotoo dhan Ilka halaq ma jiro midaan sun iyo eel ka soo bixine Nugul ooman dhalanteed biyuu ola ekoonaaday Hamabada hanfa ood buu shab yiri qool indhool hagayo Aabiitare ciyaaraanu hagin odoyadii dheelay Wili wey is eryanayaan ayagoon kala adkaane Gacmo ibahey guriyaan markale dib u irmaaneeya Isma orane awr godoladaan cid ogaaneynin Inse lagu ilbaxo wey aheed been run u ekeene Wax la eeday garashoy maxaa lala ogaan waayey Kaneeco og xanteed looma cuno eelka duumada e Dhaqaatiir ujeedo xun ayaa hoosha ka adeegay Inse lagu ilbaxo wey aheyd been run u ekeene Inaan cudur is daaweyn maxaa lala ogaan waayey Eedda kuwa leh kiiskii garsoor kama ahaadaane Indhahoo shan ahaa dulun xaqqii laga adkeysiiyey Inse lagu ilbaxo wey aheyd been run u ekeene Eelkiyo fidnadaan harin maxaa lala ogaan waayey Inkastuu qorfaha ku ambadiyo omaska jiilaalka Inkastuu afka u galo libaax eyda ku haraaday Tuluddii aleelka usiduu amar ka qaataaye Oohow kuma hakado geel duqdii aaranka hor yaacday Inse lagu ilbaxo wey aheed been la aamino e Inaan cudur is daweyn maxaa lala ogaan waayey Inkastoo amaanada ku maqan uurka ka hiraagto Inkastoo amaahdii nafluhu araxda boogeyso Iimaan qalalay uma danqado nugulka aafoobay Inse lagu ilbaxo wey aheyd been run u ekeene Aramidaan bogsaneyn maxaa lala ogaan waayey Inkastoo quraan lagu aqriyo laguna aadaamo Inkastoo ijaabiyo la faro waajibka arkaanta Xaqqa dhagihii laga oodayaan waanadu asiibin Inse lagu ilbaxo wey aheyd been run u ekeene Ilaahooda kama baqo maxaa lala ogaan waayey Inkastoo dabkey ololiyeen gaaray aqalkooda Inkastoo inkaartey kasbeen ini ka soo gaarto Agoonta uma naxo qoon haduu aabahood dilaye Inse lagu ilbaxo wey aheyd been run u ekeene Aramidaan bogsooneyn maxaa lala ogaan waayey
Added on Jul 25, 2011 by webmaster
Video Details
Time: 03:45 | Views: 103 | Comments: 0
  Nation  of  poets  Barre  Maxamed  Ababa  Adig 
  Somali Gabay  
Video Responses (0)

Be the first to post a video response!

User Details
Share Details

Post Comments
Comment on this video:

Comments: (0)
Watch
Welcome More to come

More from: webmaster

Related Videos